Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Golaha Dhaqanka Digil iyo Mirifle oo Ciidamada Itoobiya ku Eedeeyay Amaan Darida Baydhabo
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 21 2008
Golaha Dhaqanka Digil iyo Mirifle oo Ciidamada Itoobiya ku Eedeeyay Amaan Darida Baydhabo
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 21 May 2008

Baydhabo,(insidesomalia.org)- Golaha Guurtida Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa amaan darida ka jirta Magaalada Baydhabo ku eedeeyay Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaaladaasi.

Afhayeenka Golaha Guurtida Digil iyo Mirifle Malaaq Aadan Ibaarhin Dhaayoow ayaa ku eedeeyay amaan darida ka Jirta Gobolada Bay iyo Bakool gaar ahaan Magaalada Baydhabo in ay ka danbeeyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in dhibaatooyin fara badan lagu hayo shacabka Gobolkadasi, kuwasi oo isug jira dil,xarig,barkicin, isagoo sheegay in ay Magaalada Baydhabo ay leedahay hal wado oo kaliya, taasi oo ay xirtaan Ciidamada Itoobiyaanka, tasi oo dhibaato ku ah shacabka Magaalada Baydhabo oo markii horaba la daalaa dhacayay sicir bararka iyo abaaraha saameeyay dhamaan Dalka Soomaoliya.

Malaaqa ayaa intaa raaciyay in dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo intooda badana ay si weeyn u soo dhaweeyeen Ciidamada Itoobiyaanka markii ay soo galayeen Magaalada Baydhabo iyagoo aamisanaa in ay ku sii jeeden Magaalada Muqdisho, isla markaana aysan wax dhibaato u geeysaneeyn, balse nasiib daro ay tahay in iyaga la laayo sida uu hadalka uu u dhigeye.

Ugu dabneeyntii waxaa uu ugu baaqay dhamaan qeeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bay gaar ahaan Magaalada Baydhabo in ay iska kaashaadan sidii amaanka Magaaladaasi loo sugi lahaa.

Hadalka Malaaqa ayaa ku soo beegmaya xili dhawaanahan ay Magaalada Baydhabo ka dhacayeen falaal amaan dari ah oo saameeyn weeyn ku yeeshay dhaamaan qeeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana sidoo kale uu hadalkasi ku soo beegmayaa xili xalay ilaa shalay ay Magaalada Baydhabo ka dheceen dilal loo geystey dad shacab ah.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >